Talo iyo Tusaale Waayeel

February 3, 2013

ImageDalku wuxu marayaa marxalad adag oo ay saldhig u tahay qabyaalad, nin jeclaysi iyo xildoon. Midho kasta oo la beero waxa dhadhinaya cudurradaa aynu sheegnay aakhirkana waxay noqonayaan qaar baaba’a oo aan waxba laga faa’idin.

Haddaba, Si xal loogu helo mushkiladaha hadda taagan mar hadii reer walba, laf walba, jilib walba iyo qabiil waliba uu rabo in nin iyaga ah xil looga magacaabo haddii kele dalku aanuu degeynin oo rabashado iyo dhalinyaro dhimata ay u tahay waxaan soo jeedinayaa Qodobbadan:

1- In Xilalka wasaaradaha la kordhiyo. Wasiir waliba waa inuu yeeshaa 20 ku xigeen, DG walibana waa inuu yeeshaa 20 kele oo ku sii xiga. Sidoo kele dhamaan agaasimayaashu waa inay yeeshaan ugu yaraan 10 ku xigeen.

2- Dalku waa inuu yeesho ugu yaraan 5 Madaxweyne ku xigeen. Tiradu intaa way ka badan kartaa iyadoo ku xidhan marba baahida iyo kobica tirada bulshada ee dalka ku dhaqan.

3- Wax qabadku muhiim maaha dadkuna ma eegayaan maxaa la qabanayaa iyo waa wax soo kordhinaya. Markaa waa inaan taas la eegin ee xilalka faraha badan la iska magacaabo maadaama sidaas lagu qanacsan yahay. Dowladda loogu jecel yahay waxay noqon doontaa dowladda xilalka badan samaysa ee cid walba xil u dhiibta.

4- Shirarka Jaraa’id waa loo siman yahay. Mar hadaan waxaasoo madax ahi waxba qabanaynin waa in mid waliba marka uu caajiso uu shir jaraa’id ku jimcsado oo kuu doonana caayo wuxuu doonana sheego. Haduu cid kele oo uu dhalleeceeyo uu waayo ilayn dadku xil buu wada hayaaye waa inuu aabbihii caayo.

5- Wasaaradda maaliyadda waax kasta oo ka mid ahi waxay noqonaysaa wasaarad gaar ah si aan lacagta la isugu qabqabsan. Cashuuraha berriga waxa loo kala saarayaa laba wasaaradood, (Buuraha iyo Banaanka) si ay u fududaaato lacag soo ururintu.

6- Maadaama uu Qof waliba doonayo inuu Madaxweynaha arko oo arrinkiisa gaarka ah kala hadlo, Madaxweynuhu marka uu subaxdii soo tooso wuxuu kurusi dhiganayaa Madaxtooyada horteeda si aanay cidina u odhan waa la ii diiday inuu arko. Dadku waxay is taagayaan kuyuugaa dheer ee laamiga ilaa suuqa. Waa nasiibkii qofka ay cadceedu uga dhacdo isagoon weli gaadhin Madaxweynaha, Aroorta ayuun buu soo Kallihi doonaa.

7- Marka uu Madaxweynuhu Safar debedda ah u baxayo cidda raacaysaa waa inay qori tuur ku timaaddo oo madal la wada fadhiyo uu qori tuurkaasi ka dhaco. Dalku waa inuu yeesho diyaaradda Boeing 707 oo safrrada noocaas ah qaadda weftidaya lamana ogola inay iyadoon buuxin kacdo. Xagga safarrada dhulka, Way u furan tahay cidii rabta inay Madaxweynaha raacdo. Baabuurta uun baa la is daba dhiganayaa intay doonaan ha noqdeene.

8- Xaflad dambe oo madaxtooyada lagu samaynayaa ma jirto. Maadaama aanay dadka intaa leeg wada qaadaynin, Wixii casho sharaf, xaflad ama munaasabad ah waxa lagu qabanayaa Xeebta Berbera ee dhanka Batallaale. Dhinac kasta way ka furan tahay dalka oo dhana way qaadi kartaa. Hadii dadka qaar ay ka baqdaan inay cidhiidhi ku noqoto, way u furan tahay intay dharka la baxaan inay xagga badda ka soo dabbaal joogteeyaan si ay xafladda halkaa ugala socdaan.

9- Wax doorasho la yidhaahdo oo dambe ma jirayso. Yaa la dooran dee yaase laga dooran dalkuba xil buu wada hayaaye ? .. Haddaba si adduunka loo tuso inaynu doorasho galnay oo dimuqraaddiyadi jirto, masuul waliba waa inuu carruurtiisa iyo xaasaskiisa (kii dhowr leh) inta uu soo saaro ay sanduuq yar oo bir ah oo tumaalaha uu ka soo samaystay ay ugu ridaan waraaqo ay ku dooranayaan. Hadhowna warbixin uun baa laga qori doonaa sheegaysa inay dadkani si caddaalad ah ku soo baxeen oo qof walba reerkiisii doortay.

10- Wax Mushaharo ahi ma jirto marka laga tago Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka oo iyagu dhamaan wasaaradaha kula dhuuqaya. Wasaarad waliba xamaalatayaa ama dukaanno furatayaaba waa inay kharashkeeda soo saarto.

11- Si kor loogu qaado tayada shaqada iyo ka faa’idaysiga wakhtiga, dhamaan shirkadaha qaadka keena waxa lagu amrayaa inaanay celeemo dambe dalka soo gelin doonin. Waa inay sameeyaan wershedo yaryar oo Qaadka miira oo dabadeedna isagoo sharaab ah ay suuqa keenaan. Taasi waxay kor u qaadaysaa bilicda magaalooyinka isla markaana qofku uma baahanayo 6 saacadood oo uu mee fadhiyo si uu uu marqaamo. Wasaarad waliba waa inay yeelataa taangi loogu shubo qaadkaa miiran si aanay shaqaaluhu meel kele ugu doonan cidda shaxaad ugu timaadana koob qaad ah uun loogu shubo.

12- Saxaafaddu wax xeer ah ma yeelanayso haba yaraatee. Qof waliba wuxuu doono ha qoro, ciduu doono ha caayo, beentuu doonana ha sheego. Hadii uu qof ka cawdo aflagaado, waxa isagana u furan inuu saxaafad kele samaysto oo isna intaa in la mid ah uu sameeyo ilaa la kala daalayo.

Bal muddo 5 Sanadood ah intaas ha la tijaabiyo. Waxay ila tahay inay dalkeena si fiican ugu shaqayn doonto isla markaana aynu ka raysan doono buuqan iyo qalalaasahan maalin walba taagan dadkuna hadii ay xil wada helaan ay iska nefisi doonaan mar hadii loogu yeedhayo “Wasiir, xildhibaan, agaasime, gudoomiye, iwm”.

 

 

W.Q.

Rooble Mohamed

Hargeisa, Somaliland

Ma Toshe, Ma Tashade ……..

December 2, 2012

Wuxuu bustaha isku sii duuduubo oo uu is bakhtiiyaba markay subaxdii cadceeddu kululaato ee carruurtu iskuullada u kala dareeraan ayuu macawista haabhaabtaa. Intuu hareeraha daymoodo ayuu hubsadaa inay cid kele qolka hurdada ku labayso, markuu ogaado inuu keligii yahay buu isaga oo wejiga marmaranaya suuliga daf yidhaahdaa. Sanqadho badan ka dib ayuu soo baxaa isagoo waxoogaa biyo ahna dusha iskaga soo shubay welina indhaha marmaranaya oo isku dayaya inuu saani u wada tooso.

Shaadh iyo surwaal uun 5 cishoba xidhnaa oo uu xalay markuu aqalka soo galay uu kursi halkeera si baylah ah dusha ugaga tuuray buu intuu tiigsaday juf isasiiyay. Saliid daasad ku jirta oo miiska dul taalana madaxa iyo wejigaba iskaga dhamooqay. Intuu daarada u baxay ayuu inantii shaqaalaha ahayd oo daarada xaadhxaadhaysa intuu waydaartay uu madbakha dalam yidhi, baleedh halkeer yaala intuu laacay oo uu afar midh oo loxoox ahna ku tuuray inyar oo subag ahna ku daray ayuu shaah falaasta ku jirana ku daray. Ismabuu wareerine sadex goor buu wixiiba ka dhigay markaasuu intuu biyo sinxi ku jira gacanta sii gashaday toos albaabka uga booday isagoo inantii shaqaalaha ahayd ku leh “Soo xidho albaabka”.

Warsame wax shaqo ah ma hayo waxaana guriga u jooga 3 carruur ah oo uu dhalay iyo laba kele oo uu adeer u yahay oo miyiga looga keenay dhawaan. Inkasta oo dhowr goor shaqo loo soo helay hadana wuu diiday isagoo ka khashaafaya nooca shaqadu ay tahay. Markii ugu dambaysay waxa loo soo sheegay in bakhaar nin ay qaraabo yihiin uu furtay oo si fiican weliba u socda uu wayshmaan ama Ilaaliye ka noqdo laakiin Warsame wuxuu ku sigtay ninkii hawshaa ula yimid inuu dhirbaaxo kaga soo gooyo isagoo af buuxa ku yidhi “Waar ma anigaad I leedahay wayshmaan noqo manta?”. Inkasta oo ninkaas oo ay saaxiib dheer ahaayeen uu u qaadan waayay jawaabta uu kala kulmay Warsame hadana wuxuu isku dayay inuu ku qanciyo inay dhaanto wax la’aanta iyo sidan uu maanta ku sugan yahay. Laakiin Warsame wuxuu ku andacooday inuu yahay nin sharaf leh oo aan u qalmin wayshmaanimo iyo wax u dhigma toona hadaanuu shaqo fiican oo uu xafiis fadhiisanayo mushahar wanaagsana qaadanayo aanu helayna uu iska joogayo wixii bakhtiyayaaba ha bakhtiyeene.

Shanta carruur ah ee guriga ku nooliba Iskuulka ayay u dareeraan aroortii. Ka ugu dambeeyaa wuxuu baxaa 7da subaxnimo marka la sii quraaciyo waaba hadii loo helo quraace. Xaaladoodu waa qaadaa ma dhergaan oo mararka qaarkood waxaaba laga yaabaa inaanay dheriba dabka saarin oo caruurtu gaajo ku kallahdo sidaana ku seexato habeenimada iyagoon biyo cad mooyaane dhuuntooda wax kele marin. Maalmaha qaarna way iska cunaan waxay helaan inkastoo aanay dux sidaasa lahayn. Dhowr goor ayaa iskuulka laga soo eryay markii ay iska bixin waayeen ajuuradii macallimiinta. Marmarka qaarkood ayay xaaladu istaagtaa in iskuulka la bixiyo oo gaajo lagu joogo iyo in waxan yar ee la hayo cuntadooda looga fuudh yeelo oo ay iska joogaan iskuulka maadaama aanay labada uu wada qaybsamayn.

Warsame wuxuu caan ku yahay inaanuu arrimahaa guriga ka socda kaba fekerin marka uu suuqa joogo iyo saacadaha uu meelahaa iska taagan yahay. Marka uu sidaa guriga uga soo baxo wuxuu tagaa maqaaxi ay fadhiistaan asxaab uu leeyahay iyo odayaal u badan reerkooda oo uu halkaa qaxwaha iyo sheekada kula wadaagaa. Wuxu isha mariyaa hadba jaraa’idka soo baxa ee dadka maqaaxida yimaadaa ay sitaan oo intuu isha mariyo uu hadana u celiyo. Shaaha uu cabbaayo isagu lacag uu siisto ma hayee hadba cida uu sheekada la wado ayuu la cabbaa waxaana laga yaabaa maalintii inuu 6 ama 8 koob kaga saaro. Markay gaadho xiligga qadada waxba guriga kuma soo noqdeen kolba qof buu bariiska meelahaa la boobaa laakiin waxa hubaal ah inaanuu maalina qadin. Markuu intaa ku soo ridana wuxuu xarbi u gala mijintii qaadka ahayd ee weliba ahayd nooca ugu liita ama ugu hooseeya wax qaad la cuno. Si uu ku helaba wuu soo qabtaa koobka shaaha ee iskaga dejinayana si uun buu u soo farsameeyaa kol uu soo amaahdana. Wax alla wax lagu kala macaashayo gurigiisii ma oga oo xaaskiisii ayaa la balanbalaysa dhamaan wixii hawl taalay guriga gudihiisa iyo debediisaba. Isagu wuxuu soo hoydaa uun wixii 12 ka habeenimo ka dambeeya oo isagoo dhididsan, qufacaya, oo marqaan cirkaa maraya intuu guriga soo huluusho uun buu gogoshiisa is tuuraa, ilaa waagu soo dhawaadana gurxan iyo qururuf ma daayo iyo inuu suuliga ku noqnoqdo oo kolba kaadi u baxo. Sidaas ayay maalintiisa iyo habeenkiisuna ku dhamaadaan.

Weliba kaaga darane kunka, shanta boqol iyo shilinka uu guriga ku dhax arko dhaafi maayo oo wuu guranayaa ilayn xabbad sigaara kollay way u goyn doontaaye. Dan kama laha hawsha isaga ka weyn ee guriga ama carruurta loogu qabanayo.

Warsame shaqo la’aanta, busaaradda iyo weliba masuuliyad la’aanta wuxuu kaga daray kibirka iyo isla waynaanta marka shaqo loo sheego uu galo kala doorasho iyo inaanuu ahayn nin shaqooyinka qaar u qalma.

Ma toshe, ma tashade iyo ma tashiishe ayaa rag ugu liita.

W/Q: Rooble Mohamed
Hargeisa, Somaliland

21 October iyo 23 Sanadood ka Hor

October 21, 2012

21ka October waa maalin ku suntan taariikhda dadka Soomaalida ah meel kasta oo ay joogaan. Maanta oo kele 23 Sanadood ka hor waxaanu guriga ka bixi jirnay 4ta habeennimo iyadoo dhaxan darteed ilkuhu is garaacayaan balse waxa naloo oggol yahay ay tahay shaadhka balcadda ah ee iskuulka oo keliya oonaan xataa funaanad xidhan karin. Waxaanu isla 4:30 ama 5:00 subaxnimaba iman jirnay garoonka u dhow xeradii Bir-jeex waxaana halkaa loogu sii diyaar garoobi jiray gaardiga dheer ee lagu marayo waddada hor marta Garoonka wayn ee Istaadyoomka ilaa garoonka Salaanta oo ah halka maantay uu ku yaallo Edna Hospital.

Xaafada lama ogolayn inay cidi joogto oo askar baa wareegi jirtay dadkana xoog ku soo saari jiray, qofka diidana waaba la xidhi jiray. May kala  aqoon yaa xanuunsanaya, yaa hawlo kele leh iyo cida rabta inay iska nasato. Cirka waxa yaaci jiray diyaaradihii Miigga ahaa oo u dabbaal-degaya Maalintan iyada ah. Dariiqyada, gidaarrada iyo xarumaha dowladda waxa ka buuxi jiray sawirka Maxammed Siyaad Barree oo ay ku dul qoran yihiin erayo ammaan ah sida “Guulwade Siyaad, Aabbihihii garashada, geyigayagoow” iyo qaar kele oo badan.

May ahayn wax dadku ay doonayeen ee waxay ahayd wax dowladda oo adeegsanaysa Guul-wadayaashii ay si xoog ah oo muquunis ah ay ku samayn jireen. Sidaan horeba u soo sheegay lama oggolayn qof guri jooga maalintaa hadii kele waxaad tahay “Kacaan diid”, “Qudhmis” iyo qaar kele oo badan waxaanad mudanaysay xadhig aan muddadiisa la ogayn.

Marka saraakiishii kacaanku ay hadlayaan kamay warrami jirin maxaa dhiman, maxay tahay in la qabto iyo wada shaqaynta dadka iyo dowladda ee waxay amaani jireen uun dowladda iyo Siyaad Barre oo markaa madaxweynaha ahaa. Idaacadahuna wax keleba kamay sheekayn jirin aan ka ahayn horumarka la sameeyay iyo sida madaxweynuhu uu dalka janno uga dhigay. Intaa wixii aan ahayn qofka ka hadla waa xadhig ama waa dil.

Waxaannu Oktoobarka mari jirnay anagoo sidaanu 4tii habeenimo guriga uga soo baxnay ah oo quraac iska daaye qof kabbo biyo ah afka geliyay aanuu jirin oo dhinac kasta askari kaaga meersan tahay laguuna ogolayn laynkaa aad ku jirto inaad dhinac uga dhaqaaqdo. Kumuu jirin askarta dalka haysatey dareen naxaya oo xataa u sheegaya kumanaanka ciyaala iskuulka ah in bal wax kele daaye xataa biyo la waraabiyo.

Iyadoo habeenadii maalintaa ka horraysay uun ciidamada iyo NSS tu ay guryo intay u dhaceen wixii ay xidhi karayeen ay xidheen, boqollaal kelena ay badhka soo taageen oo la laayay ayaa haddana subaxnimada ehelkii dadkaa lagu khasbi jiray inay dabbaal degaan oo siyaad barre u sacabbo tumaan halkii ay tacsida u fadhiyi lahaayeen ee ay dadkaa xaqdarrada lagu laayay u ducayn lahaayeen.

Waxaanu guriga ku soo noqon jirnay xilli qadaha anagoo afku na dheeraaday oo maanta oo dhan nala bacad joojiyay oo dhanna aanay nagaga jirin.

Subixii markaan Iskuulka nimaadno ayaa maamulka dugsigu la soo baxaa liis dheer oo xaadiris ah markaasaa intii aan shalay imanin Oktoobarta ee goobta laga waayay la dareeriyaa, qaar waa la xidhaa qaarna iskuulka iyo waxbarashadaba waa laga eryaa. Xataa lama waydiiyo wuxuu ku maqnaa. Markaanu xanaaqno ee aanu ku soo buuqno xafiiska maamulahana waxa naloo sheegaa uun inay ardaydaasi yihiiin kacaan diid oo dowladu ay sidaa ku amartay.

21 ka Oktoobar marka ay soo dhowdahay waxa la qaadi jiray hawlgallo culus oo guryaha loogu dhacayo laguna baadhayo wixii rag ahna xarumaha NSS ta iyo dhabar-jebinta loogu gudbinayo. Waxaan weli xasuustaa jawigii argagaxa lahaa ee saqda dhexe iyadoo la wada hurdo albaabbada guriyaga inta laad lagu soo jebiyo anagoo hurudna qori dabadii iyo laad nalagu toosiyo meel koone ah nala joojiyo. Iyadoo gurigana ay ku teedsan yihiin guuto ciidamo ah oo ku qalabaysan beebeeyo, baroonno iyo hubka kiisa culays iyo fudaydba leh. Qof hadli karaa naguma jiro oo qoryo xabbadu dhuunta wada taallo ayaa dhinac walba nalagaga hayaa. Waxay baadhaan guriga oo xataa boorsooyinka dumarku shilimaanta ku ritaan ee baabacada lagu qaato ayay furayaan oo waxa ku jira dhulka ku daadinayaan. Intaa waxa socota caga-juglayn, cay, aflagaaddo, hanjabaad iyo qaylo intaba lagu argagax gelinayo dadka shacabka ah ee guriga ku nool.

Maanta oo ay Somaliland ka joogto muddo ka badan 23 sannadood, waxaan dareemi karayaa isbedelka ku yimid noloshii dadka iyo sida xorriyadda ah ee dadku ay u nool yihiin. Waxaan aad ugu fiirsadaa dhalinyarada habeenkii baabuurta lagu raaxaysto ku wata wadooyinka kala duwan ee caasimadda oo qaarkood ilaa waaberiga ay wareegaan. Waxaad arkaysaa in saacadda aad doonto aad lugaynayo oo meeshaad doonto marayso adigoon ka baqanayn Bandoo, askar iyo xadhig toona.Waxay ku tusaysaa sida ay tahay marka dowladda adigu aad leedahay ee iyadu aanay ku lahayn.

Oktoobartaan ogaa iyo tani wallee waa kala laba adduun.

Rooble Mohamed

Hargeisa, Somaliland

The Mispelled English Words and the Screwed Meanings

July 15, 2012

Things are usually normal until you pronnounce some English words in a Somali accent way which gives another whole meaning. Imagine you are that Italian guy who visited Malta and wanted to ask for a Fork during the lunch. In the very Italian way he pronnounces Fork as “fuck” saying “I Wana Fuck” and the waiter had no choice but to tell him that everybody wants the samething. But to the worse, he even wanted to explain more when he said “I wana Fuck on the table”. 

In Somaliland, specially in Hargeisa similar or even worse things happen when you are familiar with the spoken English in the west specially in America or Europe. 

It was one of those nights where a friend of mine and me went to this restaurant and asked what is new on the menu since they always have the same thing. The guy did not hesitate but to tell us that they have a new delicous dish. When we asked what it is, he proudly said “PUNANI”. At first  thought I misheard what he said but when we both said “What?” at the same time, he had no problem saying it loud and clear “Yes, we have Punani” he then added “You can have it with Chicken, with Fish or Meat if you want”. We did not try to figure out what he mean because we clearly know he wants to say “Penini”

In another occation, they waiter started to tell us all the food they have for dinner. As a newly opened restaurant, they did not have the menu ready so he will tell you everything verbally. But at the end of the list, he stressed “We also have a White Penis”. If you are wondering, he simply wants to say “White Beans” but the way he pronounced made it worse.  A female friend of mine got the joke on the spot and responded “I want a black one” but he gave her a fake smile when he did not get what she means. 

Later on, one of the customers asked for a drink saying “Give me a Coce”, he asked “big or small one” and she said “small”. The guy shouted at his friend telling him “Hey, bring one Small Cock here”. 

This reminds me of when I went to Berbera with my colleagues for a retreat program. Some would look at the schedule and shout to everyone “Hey, we have a Bitch activities in the afternoon” meaning “Beach activites”. Some may even come to you and say “Let’s go to the Bitch” meaning “the beach”. 

In another occassion, a friend walked into a teashop while it was raining outside. Because he walked in the rain he wanted to mention that his clothes & hands are wet when some of us wanted to shake his hand. He laid back and said loudly “I am Wet”

These are only examples but those stories go on and on as long as you live in Hargeisa. 

 

More to come …….. 

 

Bandhigga buugaagta caalamiga ah ee Hargeysa oo furmaya 13-ka July 2012

July 11, 2012

Urrurka REDSEA CULTURAL FOUNDATION, taageerayaasha iyo iyo mutadawiiciinta kala gedisan ee ku hawlan qabashada Bandhigga Buugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa, waxay dadweyanaha deeggan Caasinmdda Hargeysa iyo guud ahaan shacbiga reer Somaliland ugu bushaaraynayaan inuu furmayo, Jimcaha, 13 July 2012, bandhig sanadeedkii 5aad ee Bandhigga Buugaagta ee Caalmiga ah ee Hargeysa
Bandhiggu wuxu soconon doonaa muddo toddobaad ah, wuxuna ka furmayaa guriga shaqaalaha badhtamaha caasimadda.

Sanad kasta Bandhigga Bugaagta Caalmiga ee Hargeysa wuxuu qaataa hal ku dheg ka jawaabaya babac-dhigyada Somaliland horyaalla, iyadoo hal-ku-dhegyadii Babdhigyadii hore ay ka mid ahaayeen, xusuus wadreedka shacabka Somalailand wadaago, Waa maxay wadaniyadda iyo muwaadinnimadu, Faafreebka iyo saamaynta uu ku leeyahay is-cabirka xorta ah.

Hal-ku-dheg sanadkan ee Bandhigga Buugaagta Caalamiga ahi waa ‘Hillaadinta Mustaqbalka’ oo loola jeedo in la naawilo, la odoroso, bulshada kala duwana lagu baraarujiyo jihooyinka uu qaadi karo geedi socodka ummadeed ee Somaliland mustaqbalka dhow iyo kan fogiba.

Bandhigga Buugaata Caalamiga ee Hargeysa (BBCH), waxa uu fursad siin doonaa in hal abuurayaashu ay wax ka yidhaahdaan hillaadinta mustaqbalka bulshadooda. Qoreyaasha, gabayaaga, culimada, iyo saxafiyiintu, iyo aqoonyahanka kale waxay ka qaybgalyaasha la wadaagi doonaan halabuurkooda kaasoo isugu jira qoraalo,kala duwan, farshaxan, miyuusig, soo bandhigid masrax iyo qalaaba-gedis iyadoo ay madashu cid walba fursad u siinayso dodo-wadaag iyo aragti isweydaarsi baladdhan.
Waxay kaqaybgaalyaaashu, fursad u helyaaan inay la falgalaan, lana kulmaan, aqoonyahan magac weyn ku leh adduunka iyi Somalilandba, waxna ka weydiiyaan curisyadoooda, iyagoo si gaar ah diiradda u saaraya mawduucan isaga ah ee Hillaadinta Mustaqabalka. :

Waxa sanadka bandhigga daadihinayaa akhyaar isaga imanaysaa dalka gudihiisa iyo debddiisa, akhyaar isugu jirta Somali iyo ajaanin isaga kala imanaya daafaha adduunka.. waxa martidda sharafta badan ee bandhigga bugaqagta xoog uga dhex muuqanaya ka mid ah: Maxamed Ibraahim Warsame “Hadrawi”, Nadifa Mahamed, Said Salah, Mary Harper, Axmed Shiikh Jama, Jama Musse Jama, Laura hammond, Michael Walls, Maxamuud Sheekh Dalmar, Mohamed Yasin “Olad”, Helen Conford, Siciid Jama Xuseen, Georgi Kaptchits, Ned Cranborn, Iara Lee, Maxamed Siciid Gees, Muuse Cali Faruur, Xasan Ganey, Xasan Qawdan, Shay Mire Dacar, Sahra Ilays, Saleeban Guleed, Shukri Xaaji Bandare, Cabdalle Xaaji, Axmed Ismaaciil Xudeydi, Faysal Cumar Mushteeg, Aamina Milgo, Saad Ali Shire, Xuseen Cabdillaahi Bulxan, Cabdiraxmaan Yusuf Ducaale “Boobe”, Cabdiraxman Yuusuf Cartan, Axmed Ibrahim Cawaale, Xasan abdi Madar, Evan Christopher, Adam Beleloo iyop qaar kale.

Dadweynaha Ku dhaqan Caasimadda waxay Bandhigga Buugaagta ee Caalamiga sanadkan kula kulmi doonaan curisyo iyo buugag markii ugu horreysey la soo bandhigayo, buugaagtaas oo tiradooduna badan tahay, tayadooduna aad u sarrayso.
Bandhigga Buugaagtu wuxu si gaar ah fursad ugu yahay dhalinyarada ku hamiyeysa hal abuurka iyo curinta buugaagta iyo maansada, waayo wax goobta ku sugan ciddii ay talo weydiin lahaayeen, waxa madsha ku sugan ciddii ay ku dayan lahaayeen
.
Ballanteennu waa Bandhigga Buugaagta Caalamiga ee Hargeysa maalinta Jimaca 9 subaxnimo, 13 July, Guriga Shaqaalahan ee badhtamaha hargeysa.

Wixii faahfaahin ah kala soo xidhiidh: hibf@hargeysabookfair.com